Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Canada

554

Addis Ababa – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal.

Canada waxa ku nool Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal, madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Canada fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen dadka Soomaaliyada.

Justin Trudeau ayaa booqashadii ugu horreysay ku yimid Afrika isagoo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Midowga Afrika ee IGAD, waxa uuna noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii ugu horreyay oo booqasho ku yimaada Afrika.