Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Labada Guddoomiye ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinkii u qabsoomay Labada Gole muddadii lasoo dhaafay, iyagoona dul istaagay dadaallada joogtada ah ee mudaneyaasha Baarlamaanku ay ugu jiraan dejinta iyo ansixinta sharciyada dalka.
Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta Labada Gole ee Baarlamaanka, si ay u horseeddo qorshe iyo waxqabad mideysan oo sal dhig u noqda xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyeyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federalka ayaa isla qaatay dardar gelinta howlaha horyaalla Baarlamaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin meel marinta 29-ka hindise sharciyeed ee Xukuumaddu ay gudbisay.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Mudaneyaasha Baarlamaanka in ay ansixiyaan shuruucda hor-tabinta leh, ka hor xiritaanka kalfadhiyada Labada Gole ee haatan socda.
Warkaan ka soo baxay madaxtooyadda Soomaaliya laguma sheegin sidoo kale in madaxweyne Farmaajo Guddoonka labada Aqal uu kala hadlay arrimaha khilaafka mudda ka dhex taagan labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqal Sare.
Guddoonka labada Aqal ayaa waxa la dhex taganaa bilooyinkii ugu dambeeyay khilaaf saamayn ku yeeshay xiriirka wadashaqayneyd ee labada Aqal kaddib markii Guddoonka Aqalka Sare bishii December ee sanadkii hore shaaciyay inuu joojiyay wadashaqeyntii iyo xiriir kala dhexeeyay Golaha Shacabka.