Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay Guddiga Cunaqabateyn Hubka ee QM

616

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho kulan ku yeeshay Guddiga cunaqabateyn hubka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Guddigaan warbixin ku saabsan deegaannada Dowladdu ay ka xoreysay kooxda Al-shabaab, qorshaha dib u habeynta Ciidamada Xoogga dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada.

Madaxweynaha ayaa u sheegay Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran Soomaaliya, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga sifeynayo Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay dadaallada wax-ku-oolka ah ee Dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga xoreynayo Al-shabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta.