Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyadda Qaranka Golaha Xukuumadda cusub ee xalay la magacaabay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Cabdullaahi Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada, haweenka iyo sida uu xoogga u saarayo sii amba-qaadidda guulihii horumarineed ee dalku uu gaaray sanadihii la soo dhaafay.
Kulanka ayaa oo ahaa mid isbarasho iyo hambalyayn ah ayaa madaxweynuhu kula dardaarmay Xukuumadda cusub in ay dardargeliyaan hawlaha iyo shaqada sugaysa kadib ansixinta Golaha Shacabka.
Golaha Wasiirrada cusub ayaa xalay lagu dhawaaqay iyadoo la filayo in dhawaan Baarlamaanka la horgeeyo si loo ansixiyo.
Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare soo dhisay ayaa waxaa ku jira xubno cusub oo dhallinyaro u badan iyadoo sidoo kalena inta badan wasiiraddii muhiimka ahaa ee Xukuumaddii hore ay soo laabteen.