Madaxweyne Farmaajo oo kulan hordhac ah la qaatay Madaxda dowlad Goboleedyada

54

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si wada jir ah uga qeyb gali doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo la filayo inuu Muqdisho ka furmo.


Kulankan qado sharafka ah ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Kulanka ayaa horudhaca u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb-3.

Shirka Wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa la filayaa inuu oo furmo 12-ka bishan oo sabtida ku beegan.

SHARE