Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray xeryo ciidan oo ku yaalla duleedka Muqdisho

1157
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo muuqanaya xeryo diidan. Sawirka: Villa Somalia

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kormeer ku tagay xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Bangala iyo xarunta tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo ku yaala duleedka Muqdisho.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa ka bilaabay xerada Bangala ayaa warbixinno ka dhageystay ciidamada iyo Saraakiisha Xoogga ee halkaas ku sugan, isagoo sidoo kale kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha xerada.

“Halkaan waxaan maanta idin kugu imid in aan idin soo kormeero oo aan arko Ciidamada iyo Saraakiisha loo diyaarinaayo in ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba difaacaan. Maanta sida qof walba ogyahay dalku waxa uu ku jiraa xaalad adag oo dagaal, xaaladda dagaalna waxaa loo baahan yahay in guud ahaan loo wada istaago difaaca qarannimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha oo hadal u jeediyay ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kormeeray xarunta ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo tababar uu uga socdo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Ciidanka qalabka sida dhabar adeyga iyo kartida ay ku tilmaamanyihiin, isagoona ku dhiiregilyay in ay laba jibaarraan sugidda amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa toddobaad ka hor kormeeray Talisyada Ciidamada Milateriga, Nabad sugidda iyo Dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

 

SHARE