Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay kormeer ku tagay deegaannadii dhawaan laga saaray Al-shabaab isagoo sidoo kale halkaasi kula kulmay ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha iyo taliyayaasha ciidanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa faray hay’adaha Dowladda Federaalka ah in ay shacabka deegaannadan ku nool si deg deg ah ay u gaarsiiyaan adeegyada aasaasiga ah, si loo caawiyo muwaadiniinta ku nool oo ay muddo badan Al- Shabaab dhibaato ku haysey.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii laba-laabayso hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro dhammaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.
“Hambalyo ayaan idin leeyahay inaad ka adkaateen cadawgii ummadda Soomaaliyeed oo ay idiin babac dhigi waayeen. Waxaa loo baahan yahay sidii aad magaalooyinkan uga erideen, Sabiib iyo Caanoole, oo aad uga adkaateen inaad u difaacataan, shacabka magaaladan deggan oo ay muddo gumeysi ku hayeenna inaad ka difaacdaan.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan bilaabay in hawlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay uga saarayaan deegaanada ay ugu sugan yihiin gobolka Shabeellada Hoose.