Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay kormeer ku tagay Dugsiga Tababarka ee Janaraal Goordon iyo Taliska Guud ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyeen Taliyaasha ciidanka xoogga ayaa kulamo xog wareysi ah la yeeshay saraakiisha ugu sarreeysa Ciidanka Xoogga dalka.
Madaxweynaha ayaa u sheegay ciidamada in xaquuqdooda ka maqan ay si joogta ah oo aan kala go’ lahayn u heli doonan.
Booqashada Madaxweynaha ee Dugsiga Janaraal Goordon ayaa imaanaysa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay uu buuq ka ka dhashay diiwaangelinta ciidamada ka dhex taganaa dowladda Federaalka iyo ciidamada xoogga dalka.



























