Madaxweyne Farmaajo oo Kampala uga qeybgalaya shir madaxeedka Africa Now

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay furitaanka Shir Madaxeedka Africa Now oo maanta ka bilawday magaalada Kampala.

Shirkan oo labo maalmood soconaya ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika.

Shir madaxeedda Africa Now ayaa waxaa daahfuray Madaxweynaha Unganda Yuweri Museveni, waxaa ka qeybgalaya madax ka socda dalalka Afrika iyo ururka Midowga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa berri khudbad ka jeedin doono shirkaan isagoo ka hadli doono arrimo ay ka mid yihiin horumarka dowladdu ka samaysay dhinacyada amniga iyo Maaliyadda.

SHARE