Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u dhoofay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo Maalinta berri ah uu ka furmi doono shir ku saabsan istaraatiijiyadda xoojinta Ciidanka Soomaaliya.
Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga dagaalka tayeynta Ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa AMISOM.
Madaxda dalalka ciidamdu ay ka joogaan Soomaaliya, xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, Madax ka socota Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa ka qeyb gelaya, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu hadal ka jeedin doono ku saabsan ammaanka iyo dib u dhiska ciidanka Soomaaliya.
Safarkaan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh C/raxmaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jenaraal C/wali Jaamac Warsame Gorod, La-teliyaasha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Qaranka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka.