Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Ciyaartooy ku dhintay Qarax ka dhacay Kismaayo

691

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha geerida dhallinyaradii ciyaartooyda ahayd ee ku shahiiday qaraxii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in falkaas arxandarrada ah uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya gumaadka haldoorkeenna”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey dhallinyaradii ku geeriyootay qaraxan bahalnimada ah in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, dhallinyarada kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna in Eebbe u boogo dhayo.

Qaraxa ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa la eegtay gaari bas ah oo ay saarnaayeen koox ciyaartooy ah oo ka dhisan magaalada Kismaayo iyadoo la sheegay in qaraxa uu uu ahaa mid lagu xiray qeybta dambe ee gaariga.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintey qaar ka mid ah ciyaartooydii saarnaa baska ka halka qaar kalena ku dhaawacmeen balse wali lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee ku dhintay qaraxa.