Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta

757

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha  dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka boqortoodayada Sacuudi Carabaya, halkasi oo uu uga qayb gali doono shirka madaxeedka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirkaan sanadlaha ah ee madaxda ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa looga hadli doono arrimo ay ugu wayn tahay arrinta qadiyada Falastiininyiinta, xaaladda ka taagan waddanka Yaman iyo dalalkale oo ku jira ururka Jaamacadda Carabta oo ay dhibaatooyin ka jiraan.

“Madaxweyne Farmaajo waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shirka, isagoona Madaxda kale ee waddamada Carabta la wadaagi doona xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo horumarka ka socda dalka.” sida uu Saaxafadda u sheegay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in inta uu socdo shirkaan la kulmo Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, isaga oo kala hadli donoo arrimaha iskaashiga iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka iyo ururada caalamiga ah ee ka tirsan Jaamacadda Carabta.

Soomaaliya waxa ay xubin buuxda ka tahay dalalka ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta, iyada oo sidoo kalena sanadkii go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay xiisada diblomaasiyadeed ee soo kala dhexgashay Sacuudiga, Imaaraadka iyo dalka Qatar.