Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeybgalay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayay kaalinta Culimada ee geedi-socodka arrimaha amniga iyo dib u heshiisiinta dalka.
Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Shirkaan ayaa adkeeyey in culimadu ay hormuud ka noqdaan sidii loo wacyigelin lahaa dhallinyarada ay marin habaabiyeen Al-Shabaab, kaalin muuqatana ay uga qaadan lahaayeen toosinta iyo talo-siinta dowladda.
Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga kala yimid, caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin xagjirnimada, qabyaaladda iyo musuqa.
“Waa waqtigii culimada Somaaliyeed ay qaadan lahaayeen kaalintooda iyaga oo mideysan. Waxaan ku faraxsanahay in culimadeenna iyo Dowladdu ay maanta u mideysan yihiin ka shaqeynta amniga iyo dib u heshiisiinta, aynuna iftiiminno lana dagaalanno xagjirnimada oo dhibaato weyn ku haya dalkeenna.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada iyo dowladda, waxa uuna tilmaamay in sare u qaadidda dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta caddaaladdu ay aasaas u yihiin xalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida, taas oo kaalin weyn ay ku leeyihiin culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka taakuleynta iyo wacyigelinta.
Shirkaan ku saabsan kaalinta culimada Soomaaliyeed ee geedi socodka arrimaha amniga iyo dib u heshiisiinta ayaa socon doono muddo dhawr maalmood ah.