Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay shir Golaha Wasiiradda

456

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta ka qeybgalay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka Golaha wasiirrada oo shir guddoomiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu soo bandhigay waxqabaka Xukuumadda iyo barnaamijka Xukuumadda ay tiigsanayso.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Xukuumadda hawlaha iyo shaqada ee ay qaranka u hayaan isagoo tilmaamay in wada shaqaynta wanaagsan ee madaxda qaranku ay sabab u tahay horumarinta shaqada xukuumadda.

Intii kulanku socday ayaa sidoo kale lagu soo bandhignay qorshooyinka Xukuumadda ay doonayo in ay wax ka qabato ama ay horumarka ka samaysay sidda arrimaha amniga iyo shaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa kulan ka sheegay in Xukuumaddiisa ay diyaarisay qorshe ay doonayso in ay wax uga qabato sugida amniga caasimadda Muqdisho, isagoo sheegay in dhawaan la dhamaystirayo.

SHARE