Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD -Sawirro

754

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayayaan Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda dalalka ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirku socanayo waxa ay kaga arrinsanayaan dhammeystirka dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka iyo iskaashiga ka dhaxeeya dalalka ku mideysan urur goboleedka IGAD.

Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan qorsheyaasha dhameystirka heshiiska lagu soo afjarayo colaada iyo dib-u-soo celinta nabadda dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayay wararku shegayaan inay kala arrinsan doonaan madaxda kale ee dalalka IGAD xoojinta iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo nabadeynta dalalka Gobolka, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika guud ahaan gaar ahaan midda Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe kaalin muhiim ah iyo dowr firfircoon ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta, kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale iyo is-dhex galka bulsho ee dalalka Geeska Afrika .