Muqdisho – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey 60-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobolada Koonfureed iyo Midnimada dalka ee 1-da Luulyo.
Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka kaddib munaasad Calan-saar ah oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la filayaa inuu jeedin doono khudbadda munaasabadda 1-da Luuliyo.


























