Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dalbaday madaxweynaha Puntland Saciid Deni inuu sii daayo xubnaha Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee loo xiray inay lacag ka qaateen dowladda federaalka
Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu la xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni kuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada.
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee la xiray khamiistii, isagoona u sheegay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland in odayaashaas si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.
Madaxweynaha ayaa xoojiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.

























