Madaxweyne Farmaajo oo Istanbul kula kulmay dhiggiisa Turkiga

773
Madaxweyne Farmaajo oo kula kulmay Istanbul Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Sawirka: Villa Somalia

Istanbul, Turkey – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoga. Madaxweyne Farmaajo iyo Erdogan ayaa ka wadahadal adkaynta xiriirka labo geesoodka ah Turkiga iyo Soomaaliya ka dhexeeya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Turkiga uu yahay saaxiiba muhiim u ah horumarka iyo mashaariicda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo ku booqasho labo maalmood ah ugu soo gabagabooday magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa ku hakaday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay berri dalka dib ugu soo laabtaan.