Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyo u diray Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Turkiga ka dhacday.
Madaxweyne Farmaajo oo farriin soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonnto xiriirka dhaw ee walaaltinimo ee labada dal ka dhexeeya.
Congratulations to President @RT_Erdogan on his successful Presidential election. The government & people of Somalia congratulate the People of Turkey on their historic presidential and parliamentary elections. Turkey a valuable partner of Somalia.
— Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) June 24, 2018
Warbaahinta dalka Turkiga ayaa baahisay in Madaxweyne Erdogan uu ku guulaystay natiijada doorashada madaxtinimo ee dalka Turkiga.
Madaxweyne Erdogan, ayaa helay codadka la tiriyay boqolkiiba 52.6 , halka musharaxa la tartamayay Muharrem Ince uu helay 30.8 boqolkiiba codadka ilaa hadda la tiriyay.