Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Casmara ee dalka Eretria kula kulmay guddoomiyaha ururka ONLF admiral Maxamed Cumar Cusmaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa guddoomiyaha kala hadlay sidii ONLF ay uga qeyb qaadan lahayd dadaalka loogu jiro nabadda iyo hormarka, waxa uuna intaas ku daray in la joogo waqtigii nabadda la dhiirigalin lahaa lagana gudbi lahaa colaadda iyo khilaafka muddada ka jiray gobolka.
Ugu dambayntii Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Admiral Cumar in ONLF qaadato door horumarineed oo xoojinaya dadaallada loogu jiro xaqiijinta nabadda, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo wax kasta oo horumar u ah dadka Soomaaliyeed.
30-kii bishii July ee sanadkan ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Admiral Maxamed Cumar kulankii ugu horreeyay ku yeesheen isla magaalada Casmara