Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Mareykanka

342

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya fadhiga 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Waa safarkii ugu horreyay ee Madaxweynaha Soomaaliya ku tago Mareykanka tan iyo markii loo doortay xaafiiska sanadkii 2017-kii. Bishii Agoosto ee sanadkaan Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inuu ka laabtay dhalashii Mareykanka uu ka haystay taasi oo waddada u furtay inuu ka qeybgalo kalfadhiga Guud ee Golaha Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda iyo Hey’adda caalamiga ah ee ka qeybgalaya kulanka Qaramada Midoobay.

Waxaa ku wehliyana safarka wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda.

SHARE