Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Marka

689

Muqdisho ( UM) – Madaxweyne dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu waqti la qaadan doona Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga dalka oo ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha ee Xasuuqii ka dhacay Isgoyska Soobe, sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la sheegay inuu kulan iyo waqti la qaadan doono ciidanka si dhiirigelin u siiyo ciidanka ka hawlgallada ka wada Gobolka Sh/Hoose.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hoose ayaa imaanaysa iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socoto baroordiiq xasuus qaran ah oo loo samaynayo dadkii lagu xasuuqay qaraxii 14-kii Oktoober ee sanadkii hore.

SHARE