Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Garoowe

657

Garoowe – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray galabta magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigisa ayaa Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee magaalada Garoowe Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, madaxweyne ku xigeenka iyo xubno ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Waxaa sidoo kale maanta gaaray magaalada Garoowe madaxweynaha dowlad Goboleed Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa filayaa inuu berri si rasmi ah uga furo magaalada Garoowe shirka wadatashiga madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Shirkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ay ka soo horjeesteen Hindise sharciyeedka doorashooyinka dalka oo dhawaan Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen.

Waxaana la filayaa in lagu gorfeeyo arrimaha doorashooyinka iyo dhamaystirka dib u eegista Dastuurka iyo khilaafka in muddo ah soo jiitamayay ee u dhaxeeya madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo dowladda Federaalka.