Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Baydbabo

386

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladd Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo halkaasi oo lagu waddo inuu uga qeybgalo munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Madaxweyne ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee magaalada Baydbabo madaxweynana Koonfuur Galbeed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeeed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa saakay gaaray magaalada Baydbabo isagoo ka horreyay wafdiga madaxweynaha.

Madaxweynaha Koonfur Galbeeed ayaa waxaa 19 bishii December ee sanadkii hore loo doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta- Gareen).

Amniga magaalada Baydbabo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo la filayo in munaasabadda caleemasaar galabta la soo gabagabeeyo.

SHARE