Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea

695

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee magaalada Asmara ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki.

Waxaa Madaxweynaha boqashada ku wehliya wasiiradda waxbarshada, arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda.

Safarka Madaxweynaha ee uu ku tagay saaka magaalada Asmara ayaan horrey loo shaacinin iyadoo madaxweyne Farmaajo labadii maalmood ee ugu dambeysay uu shir uga qeybgalayay magaalada Qaahira ee dalka Masar.