Asmara, Eritrea (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eriteriya.
Waxa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara madaxweynaha Eriteriya Asaias Afwerki.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa u bilaabayana boqasho saddex maalmood ah kaddib caasuumaad rasmi oo ka helay dhiggiisa Eriteriya.
Waxaa Madaxweynaha ku wehliya safarka wasiirka warfaafinta , Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, la taliyayaal sare oo ka tirsan xaafiiska Madaxweynaha iyo Xildhibaano.
Waa booqashadii ugu horresay oo Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago dalka Eritereeya.