Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Addis Ababa

689

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababba ee dalka Itoobiya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo xubno ka tirsan Xukuumaddiisa.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii ayaa wadahadal kula yeeshay xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyagoo ka wadahadlay arrimo ka mid yihiin xiriirka laba geesoodka ah, si xoojinta Iskaashiga nabadda iyo amniga gobolka.

Labada hoggaamiye, oo ay wehlisay Marwada kowaad ee Soomaaliya, ayaa dhir ku beeray dhismaha Aqalka madaxtooyadda dhexdiisa.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo uu maanta ku tagay dalka Itoobiya ayaan horrey loo shaacinin, waxa ayna ku soo aadaysa iyadoo dhawaan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya barteed soo gelisay khariirad khaldan oo mid Afrika ah, Soomaaliyana ay ka saartay oo dalkeeda ku dartay. Waxa kale oo ay wasaaradda arrimaha dibadda boggeeda rasmiga ah ee internet lagu daabacay in magaalooyinka Hargeisa iyo Garowe ay safiiro u jogaan kuwaasi oo ay laba dal u diiwaangelisay.