Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Kenya

1371

Nairobi (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhaw gaaray magaalada Nairobi halkaas oo ay booqasho oo hal maalin ah uga bilaabatay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Jommo Kenyatta kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Monica Juma iyo Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee kenya Mudane Cali Maxamed Sheikh.

Madaxweynaha ayaa maanta gelinka dambe wada hadallo la yeelanaya Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Waa booqashadii saddexaad ee Madaxweyne Farmaajo ku tago Kenya.