Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

627

Dhuusamareeb – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo galabtab ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda  dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaraha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, xildhibaano iyo dad wayn fara badan.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehliyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo oo uu soo xiro munaasabad caawa lagu soo gabagabeenayo shirkii dib u heshiisiinta Galmudug  oo maalmahaan ka socday magaalada Dhuusamareeb.