Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

488

Dhuusamaeeb: Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo uu ku guddoominayo Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee qabsoomidda doorashada dalka.

Shirkan oo socon doona 1-da ilaa 3-da bishan Febaraayo ayaa ku saleysan dhaqan gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka.

Waxaa sidoo kale gaaray magaalada Dhuusamareeb Ra’iisul Wasaare Rooble iyo qaarka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada.

Shirka ayaa ka filayaa inuu si rasmi ah u furmo berri.