Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

211

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Waxaa garoonka diyaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, Madaxda dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug, iyo sidoo Wasiiradda, xildhibaannada Galmudug iyo bulshada magaalada Dhuusamareeb.

Shirka Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu gorfeyn doonaa wadashaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka Qaran.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sidoo kale ku sugan magalada Dhuusamareeba oo uu dhawr maalmood ka hor gaaray. Waxaa sidoo kale Dhuusamareeb ku sugan inta badan Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka sida Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland.

Waxaa magaalada Dhuusamareeb dhawaan lagu soo gabagabeeyay shir watashi oo labo maalin u socday Madaxda dowlad Goboleedyada kaasi oo looga hadlayay arrimaha Doorashooyinka Qaranka iyo wada-shaqaynta dowladda Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah.

Shirka ayaa laga soo saaray qoddobo ay ka mid yihiin in aysan dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacda waqtigii loogu tala galay iyo in Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ay shir looga arrinsanayo arrimaha Doorashooyinka Qaranka ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb.

SHARE