Baydhabo (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Baydhabo halkaas oo maalinta berri ah uu si rasmi ah uga furmayo Shirka Golaha Amniga Qaranka.
Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraadka dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaraaha Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad Goboleed Koonfur Galbeed iyo shacabka magaalada Baydhabo.
Shirka magaalada Baydbabo berri ka furmaya ayaa ah kii saddexaad oo amniga looga hadlayo oo madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad Gobolleedyada dalka ay yeeshaan.