Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa

65

Muqdisho- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole si diirran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy, waxa ayna ka wada hadli doonaan adkeynta xiriirka labada dal iyo guud ahaan xaaladda iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulammo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya, si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Mahad Ciise Cawa, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cali.

SHARE