Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa dalka Turkiga

1182

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan maalinta Jamhuuriyadda dalka Turkiga u diray dhiggiisa Turkiga Rajab Dayib Ordogaan munaasabada maalinta Jamhuuriga ee dalkaasi.

Madaxweyne farmaajo ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga  horumarka ay ku tallaabsadeen tan iyo sannadkii 1923-dii markaas oo xilligaa wixii ka dambeeyay uu dalkaasi noqday Jamhuuriyad kadib Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Shacabka iyo Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxaa farxad ii ah inaan idiinku hambalyeeyo adiga, shacabka iyo Dowladda Turkiga munaasabadda Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga ee 29 ka Oktoober.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalkiisa u leeyahay xiriirka iskaashi ee kala dhaxeeya Turkiga, isagoona uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed isagoona sheegay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu gaaray heer aad u sarreeya kuna tilmaamay inuu yahay mid ku dhisan is-aaminid, is-ixtiraamid iyo dhaqan qoto dheer oo saxiibtinimo oo ay leeyihiin labada dal iyo shacab.

Dalka Turkiga ayaa lagu xasuustaa gurmadii hagar la’aaneed ee ay u fidiyeen Soomaaliya sannadkii 2009, xilligaas iyo wixii ka dambeeyay waxay saameyn weyn oo joogta ah ku lahayeen dib u dhiska iyo taageerida Soomaaliya oo ay sumcad weyn ku kasabadeen kadib markii Madaxweynaha Turkiga uu tirro laba jeer ah socod ku yimid Soomaaliya isla markaasna ay dowladiisu mashaariic kala duwan ka hirgalisay gudaha Soomaaliya kuwaas oo iskugu jira dhinacyadda kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka iyo taageero maaliyadeed oo joogta oo dowladiisu ay siiso Soomaaliya.