Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo noqday

984

Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo noqday kaddib markii ay usoo dhammaatay booqasho saddax bari ah oo ku tagay dalka Eritereeya.

Intii uu ku sugnaa dalka Eritereeya madaxweynuhu waxa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha dalka Eritereeya iyada oo Soomaaliya iyo Eritereeya ay gaareen heshiisyo kala duwan.Sida iskaashi amniga, isdhaafsiga safiirro labada dal iyo waliba  xiriirka ganacsi labada dal.

Madaxweyanha waxa uu sidoo kale la kulmay jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Eritreeya oo si weyn halkaas ugu soo dhaweysay.Isla booqashadiisa gudaheed waxa uu madaxweynuhu kulan la qaatay hoggaanka jahbadda ONLF oo uu ka raali galiyay dhiibistii Qalbi Dhagax.

Booqashada maadxweynaha ee dalka Eritereeya ayaa baal cusub u fureysa xiriirka labada dal oo mugdi ku jiray in muddo ah.Soomaliya iyo Eriteerya ma laheyn wax xiriir dhinaca diploomaasiyeed ah.

Marar badanna dalka Eritreeya waxaa lagu eedeeyay in ay taageero u fidiso kooxaha ka  dagaallama dalka Soomaaliya , eeddaas oo ay Eritreeya iska diiday.