Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu safar shaqo ku gaaray dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, halkaas oo uu kulan kula qaatay dhiggiisa Koongo Felix Tshisekedi, ahna Madaxweynaha Midowga Afrika.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo Felix Tshisekedi ayaa war lagu qoray bartiisa Twitter-ka ku sheevay in Madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday inuu fududeeyo, isagoo ah Madaxweynaha Midowga Afrika wadahadal dhexmara dhammaan saamileyda Soomaalida si loo xaliyo muranka Doorashooyinka
Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya “Iyadoo laga hadlayo dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan qabashada doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay oo waqtigeeda ku dhaca, dowladdaydu waxay soo dhaweyneysaa doorka Midowga Afrika ee ku aaddan fududeynta Soomaaliya oo ay hoggaaminayaan dad Soomaaliyeed oo ay leeyihiin geedi socodka kaqeybgalka ee horseedi lahaa wadahadal dhammaan daneeyayaasha Soomaaliyeed.