Madaxweyne Farmaajo oo Daah-furay Manhajka Dugsiyada Sare

359

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Wasiirrada iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa daah-furay Manhajka Waxbarashada ee Dugsiyada Sare ee dalka.

Madaxweynaha ayaa manhajkan ku daah-furay Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho oo ardayda wax ka barta uu u qeybiyey buugaagta manhajka, waxa uuna ku dhiirri geliyey in ay ka miro dhaliyaan hiigsigooda qofeed iyo tacabka Dowladda iyo qoysaskoodu ay ku bixinayaan.

“Waxaa guul ah in ubadkeenu ay maanta laga bilaabo wax ku baran doonaan Manhaj mideysan oo ka turjumaya dhaqanka, sooyaalka iyo baahida dalkeenna. Dadaal dheer kaddib waxa aynu ku guuleysannay Manhajka Dugsiyada Sare iyada oo horey aynu u soo daahfurnay Manhajka dugsiyada Hoose iyo Dhexe.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda qalinleyda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda manhaj mideysan iyo waxbarasho tayo leh ay u leeyihiin kobcinta garaadka iyo garashada jiilasha soo kacaya taas oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo in dadkeenu ay ka faa’iideystaan khayraadka dabiciiga ah ee ceegaaga dhulkeena.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay sida Dowladda ay uga go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la kordhiyey maaddooyinka Dugsiyada Sare, lana gaarsiiyey 13 Maaddo oo ku diyaarsan Afka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisi.

SHARE