Muqdisho – Waxaa maanta ka daah-furay Buugaagta manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe Qaranka oo dhawaan ay daabacday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliy Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo wasiirka Waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre si rasmi ah u daah-furay Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka oo loo qoondeeyey in ay ka faa’iideystaan arday kor u dhaafaysa 300,000 oo wax ka barta 915 iskuul oo ku yaalla Gobollada dalka ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda uu leeyahay manhaj mideysan iyo waxbarasho tayo leh oo ay helaan da’yarta Soomaaliyeed oo 30-kii sano ee la soo dhaafay wax ku baranayey manaahij qalaad oo kala duwan.
“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo. Waa waajib dastuuri ah in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda waxbarashada iyo dib u soo kabashada dalkeenna.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bugaagta manhajka u qeybiyey ardayda wax ka barta Dugsiga Maxamuud Mire, isaga oo wax ka weydiiyey dhigaalka iyo casharrada manhajka, kulana dardaarmay in ay ilaaliyaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii waxa ay saddex laabtay qoondada miisaaniyadda waxbarasho ee dalka oo horey u ahayd 0.67, iyada oo haatan la gaarsiiyey ku dhawaad 10% miisaaniyadda guud ee dalka.