Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka hortagaya Berri

633

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maalinta berri (Sabtida) la filayaa inuu hortago golaha Barlamaanka Soomaaliya isagoo khudbad u ka jeedin doono.

Madaxweynaha ayaa waraaq u qoray labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya si ay kulan deg deg uga yeesheen arrinta ku saabsan Qaraxii Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaan la ogayn waxa uu Khudbadiisa diira ku saari doono balse warar xog ogaal oo heshay Ummadda Media ayaa sheegaya in uu uga hadli doono in arrinta ku saabsan sidii looga jawaabi lahaa Qaraxii Zoobe.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khamiistii u sheegay warbaahinta in wixii ka dambeeya sabtida 21 October uu waddanku geli doono xaalad dagaal.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa weli ka socda Gurmadka loo sameynayo dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay Qaraxii 14 October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo ruux boqolal kalena ay ku dhawacmeen.

SHARE