Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay xilka qaadista Baarlamaanka ku sameyeen R/Wasaare Kheyre

762

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi  Maxamed Farmaajo ayaa aqbalay go’aanka kalsooni kala noqoshada ee xukumadda iyo ra’isulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay soo gaartay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre isagoona sheegay inuu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda ay ku jirto, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah,  ayuu sheegay inuu tixgelinayo awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, uuna sidaas daradeed ku aqbalay go’aanka Golaha Shacabka.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu si degdeg ah usoo magacaabi doono ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadcelinayaa ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre shaqadii uu soo qabtay intii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.