Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku amray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka inuu baaritaan degdeg ah ku sameeyo falkii lagu galay hoyga Senator Cabdi Qaybdiid oo ka tirsan mudaanayaasha Aqal Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee Madaxtooyadda Soomaaliya lagu sheegay in Cid walba oo ku lug yeelata weeraraka lagu qaaday hoyga Senator Cabdi Qaybdiid lala tiigsan doonaa sharciga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka inuu baaritaan degdeg ah ku sameeyo falkii sharci darrada ahaa ee lagu galay hoyga Senator Cabdi Qaybdiid. Cid walba oo ku lug yeelata waxaa lala tiigsan doonaa sharciga.
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) December 30, 2017
Senator Cabdi Qaybdiid oo shir jaar’id qabtay weerarka kaddib ayaa u sheegay Saxaafadda in ciidan ka tirsan kuwa dowladda ee Imaaraadku tababareen isagoo sheegay in cidda soo diray Ciidamadaan iyo faahfaahin kale uusan hadda la wadaagi karin warbaahinta.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Imaaraadku tababartay Dowladda Federaalka ayaa duhurnimadii maanta weeraray guriga senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid. Ma jiraan wax khaasare nafeed ah oo ka dhashay weerarkaan sidda la xaqiijiyay.
Senator Cabdi Qaybdiid ayaa ah sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.