Muqdisho (UM) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka la filayaa in ay u ambabaxaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaasi oo uu uga qeybgalayo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD oo maanta furmaya.
Shir madaxeedka madaxda urur Goboleedka IGAD ayaa looga hadli doonaa arrimaha amniga, dhaqaalaha ee Gobolka iyo xal u holida colaadda wali ka tagaan dal Koonfurta Suudaan
Waxaa sidoo kala la filayaa in shirkaan looga dhawaaqo ku soo biiritaanka xubinimada ururka ee dalka Eriteriya oo dhawaan heshiis taariikhi ah dhexmaray iyada iyo Itoobiya kaasi oo lagu soo afjaray colaadii muddo 20 sanno ahayd u dhexeysay labada dal.