Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa kula kulmay Xoghayaha Guud ee QM

654

‪Muqdisho ( UM) – Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa shir-doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guiteres.

Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Kulankan Madaxweynaha waxaa ku wehliyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar‬ Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Cali Shariif Axmed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii hore dalka ka erisay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom kaddib markii ay dowladda ku eedeeysay inuu faregeliyay arrimah gudaha dalka.