Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Qatar

740
Muqdisho (UM) – Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka Ambabaxay Magaalada Muqdisho waxaana uu kusii jeeddaa Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah , Wasiiro, xildhibaano iyo diblumaasiyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ujeedka safarkan ayaa ah sidii loo kala saxiixan lahaa heshiisyo badan oo dhinaca ganacsiga ah, horumarinta iyo amniga, Qatar waxay sidoo kale caawin doonta dib u qalabeynt ciidanka.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Amiirka dowladda Qatar Sheekh bin Hamad al-Thani iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda isaga oo la filayo in ay ka wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin xoojjnta xiriir labada dal iyo dhaqangelinta heshiisyadii ay horrey u kala saxiixdeen Qatara iyo Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda Qadar ayaa si ballaaran uga hadlaysa Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagi doona Magaalada Dooxa.

Waa Safarkii Labaad ee uu madaxweyne Farmaajo ku taggo qadar tan iyo Markii la doortay.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa imanaya iyadoo oo xiisad diblomaasiyadeed ay ka dhex taagan tahay iyo dowladda Imaaraadka Carabta dowladda Soomaaliya oo horrey go’aan dhexdhexaadnimo ka qaadatay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladdaha Khaliijka iyo Qatar.