Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka u dhoofay dalka Eritereeya. Madaxweyne Farmaajo ayaa casummaad rasmi ah ma helay dhiggiisa dalka Eritereeya Asaias Afwerki. Boqashada madaxweynaha iyo wafdihiisa ayaa qaadan doonto saddex maalmood.
Horrey uma jirin xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo Soomaaliya iyo Eritereeya ka dhaxeeyay, iyadoo horrey Eritereeya dhawr jeer lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha hubaysan ee dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda sida Al-Shabaab.
Waa booqashadii ugu horresay oo Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago dalka Eritereeya. Si dhab ah looma oga qodobada iyo waxyaabaha ay ka wadda hadli doonan.
Safarka Madaxweynaha ayaa waxa ku wehliya danjiraha Soomaaliya u fadhiya Ethiopia, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.