Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Sucuudiga

692

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya Shir-Madaxeedka 29-aad ee Jaamacadda Carabta oo looga hadli doonno qaddiyadaha ugu dambeeyay ee ka taagan Gobolka iyo guud ahaan dalalka ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta.