Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya halkaas oo uu kaga qayb gali doono kulanka sanadlaha ah ee Ururka Midowga Afrika. Shirkaan oo maanta furmay ayaa waxa uu socon doonaa labo maalmood.
Labada maalmood ee uu shirku socdo Madaxweyne Farmaajo waxa uu kulamo gaar gaar ah uu la yeelan doonaa madaxda ka socoto dalalka Afrika iyo madaxda Midowga Afrika.