Asmara, Eritrea (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Eritrea ayay kulmeen hogaamiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar iyo xubno ka tirsan ururka oo fadhigooda yahay Eritrea.
Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayuu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo la kulmay Guddoomiyaha ONLF, isla markaana uu Madaxweynaha xoogga saaray baahida loo qabo iskaashiga, nabadgalyadda, horumarka iyo ammaanka Geeska Afrika.
“Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu noo sheegay inuu aad uga xunyahay ayuu muujiyay raaligelina ka bixinayo,hadda ka horna mowqifka baarlamaanka uu raacsan yahay ayuu sheegay si qalad ah inay dad kale u maamuleen ayuu sheegay.” ayuu yiri Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo wareysi bixiyey.