Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Turkiga oo ka wadahadlay Iskaashiga iyo ka hortaga Covid-19

483
Sawir hore. Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Turkiga oo khadka telefoonka uga wadahadlay iskaashiga iyo ka hortaga cudurka Covid-19. Villaa Somalia

Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xiriiray dhiggiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogaan iyagoo ka wadahadlay xaaladaha cudurka Corona Fayras.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku ka jirto Soomaaliya.

Dowladda Turkiga oo xiriir dhaw la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo gaarsiisay magaalada Muqdisho deeq gargaar caafimaad ah oo ay wareejisay dowladda Soomaaliya si lagula tacaalo cudurka Corona Fayras oo Soomaaliya ku sii faafaya.

Cudurka Corona Fayras ayaa wasaaradda caafimaadka Soomaaliya waxa ay sheegtay in xaaladaha dadka laga helayo cudurkaan ay si maalin leh ah u sii kordhayaan. Dowladda ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la kordhiyay badowga habeenkii iyadoo uu bilaabanayo 7 fiidnimo halka markii hore ahayd 8 fiidnimo.