Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya oo Telefanka ku wadahadlay

133

Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khadka telefoonka ku wada hadlay isagoo ma wadahadlay arrimaha amnig ee malmahn ka taagna xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka, sida lagu xusay qoraal ka soo baxay xaafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.

“Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya”. Ayuu lagu yiri qoraalka.

SHARE